Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Mudaysay Shaacinta Natiijada Kiiska Dacwadeedka Ninka Ku Eedaysan Inuu Gubay Xaaskiisa

Published: March 2, 2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay in Maalinta Arbacada ah 06-03-2024 Maxkamadda la horkeeno mar kale Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisii oo uur leh gubay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 27/Feb soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud, waxaana maxkamadu su’aalo weydiisay cid kasta oo uu khuseeyey kiiskaasi.

Dhibanaha kiiska Marxuumad Luul Cabdicasiis oo aan wali la aasin ayaa talaagad ku jirto muddo bil ah, waxayna qoyskeedu sheegeen inay la sugayaan natiijada maxkamada oo la filayo maalinta Arbacada.

Horseed Media