Maxkamada Gobolka Banaadir oo Xukuntay 36 Dambiile oo Ajaaniib ah

Published: June 6, 2023

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 36 dambiile oo ajaanib ah lagana soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya iyagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya ku ridday xukunnadii ay muteysteen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhowaaqay xukunka kiiska loo heystay raggan ajaaniibta ah oo muddo si sharci darro ah kaga Kalluumeysanayay badaha Soomaaliya.

Dambiilayaashan oo kasoo kala jeeda dalalka Yemen iyo Iiraan ayay Maxkamaddu ku xukuntay inay bixiyaan midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu soo qabtay.

Horseed Media