Maxkamadda Banaadir oo markale u fariisatay dacwad ka dhan ah Eedaysanayaal loo haysto musuq

Published: August 6, 2023

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay fadhiga 3aad ee dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo furay dacwada maanta ayaa sheegay in fadhiga maanta uu ku saab sanyahay soo bandhigida dhageysiga cadeeyma xafiiska Xeer ilaalinta ee ka dhanka ah edeeysanayaasha katirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sarkiisha maanta markale maxkamdda la hor geeyay ayaa kala ah Cabdullaahi Maxamed Cosoble, Cumar Macalin Nuur, Saabir Xasan Cabdi nuur iyo Aadan Maxamed Cabdi, kuwaa oo dhamaan ku Eedaysan xatooyo xoola dad weyne.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamadda gobolka Banaadir, Faarax Cabdiraxmaan Jaamac ayaa maxkamadda horteeda ku soo bandhigay cadeymo lid ku ah edeeysanayaasha, iyoo Qareenada u dooday edeysanayasha dhakooda ay ka horyimadeen edahaasi.

Qareenada eedaysanayaasha ayaa su’aalo badan ka keenay cadeymaha xeer illaalinta iyo Hanti Dhawrka Qaranka, balse maxkamada ayaa joojisay dhageysiga maanta kadib markii xeer illaalinta is-hortaag ku sameysay mid kamid ah Qareenada u doodaya eedaysanayaasha oo ay ku doodeen inuu yahay shaqaale dowladeeda, dhageysiga ayaa lagu wadaa in ay sii socota maalmaha soo socda.

Horseed Media