Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday lamaane ka tirsan Kooxda Daacish

Published: June 16, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo loo wada haysto in ay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Dayib ayaa ku Eedeysan Samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Xubnaha katirsan Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray Bishii March ee  Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyay labada Eedeysane in ay is qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Sarkaalkii xukumayay uu isku doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Dhowr Fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano oo  Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *