Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday xubin ka tirsan Daacish

Published: June 7, 2023

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun Ciidan oo 15 sano ah ku ridday eedaysane, Warsame Xasan Cabdi Aadan oo ka tirsanaa kooxda Daacish.

Warsame ayaa kooxda Daacish ku biiray Sannadii 2020, wuxuuna muddo ka howlgalayay Buuraha gobolka Bari.

Ninkan ayaa horey u ahaa xoolo raacato ku nool baadiyaha magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, waxayna kooxda Daacish ku qancisay inuu uga hawlgalo magaalada Muqdisho, isagoo billaabay inuu arbusho xarumaha ganacsiga.

Ugu dambayn dhagar qabe Warsame Xasan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka bishii October ee 2022, isagoo rasaas ku riday meherado ganacsi oo diiday in ay bixiyaan lacago baad ah.