Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Muqaal-Duube ka tirsan Daacish

Published: August 30, 2021

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun 10-sano oo xabdi ciidan ah ku riday Cabdisamad Ibraahim Cumar oo Muuqaal Duube u ahaa Kooxda Daacish.

Sida ay Maxkamaddu sheegtay sanadkii 2016 ayuu ku biiray Daacish, waxa uu ku dhashay Gaarisa hase ahaatee Fikirka Argagixisanimo ayaa waxa uu ku soo qaatay Nairobi.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan iyo Saaxiibbadii fikirka la qaatay qaarkood ay ku dhinteen Liibiya kuwa kalena ay ku dhinteen Buuraha Bari ee Puntland iyadoona horey ay u dhaawaceen Ciidamada Amniga Puntland ee PSF.

Dabayaaqadii sanadkii Ina dhaafay ayay sheegtay Maxkamaddu in Xukmanahab laga soo qabtay Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde Muqdisho isaga oo ka soo degaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *