Maxkamadda dambiyada ee ICC oo loo gudbinayo kiiska dilkii Shireen Abu Akleh

Published: May 27, 2022

TV-ga Aljazeera ee waddanka Qatar ayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC u gudbin doona dacwadda dilka wariyaheedii Shireen Abu Akleh, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Tv-ga.

Kooxda qareennada ee Aljazeera oo ay wehliyaan khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah ayaa soo diyaarin doona fayl ku saabsan dilka Abu Akleh, si loogu gudbiyo maxkamada ICC.

Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, heysatayna dhalashada Mareykanka, ayaa la toogtay intii uu socday duullaan ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed ee la haysto 11-kii May. 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *