Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ma saqiirtey?

Published: August 29, 2023
DHaarinta garsoorayaasha maxkmadda sare

Puntland waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed, kaas oo mararka qaarkood gaarey gacan ka hadal inkasta oo la xakameeyey laakiin ma jiro heshiis siyaasadeed iyo sida looga gudbaayo.

Maxmakadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa la dhisey sanadkii 2022, waxay ka kooban tahay 9 garsoore kuwaas oo shan kamid ah ay yihiin maxkamadda sare, waxa guddoomiye u ah marka ay fariisanayaan guddoomiyaha Maxkmadda sare.

Waxaa maxkamadda dastuuriga ah yaala saddex kiis oo kala ah:

  1. Kiis ay maxkamaddu ku sheegtey cabasho oo ay gudbiyeen siyaasiyiinta Madasha oo la xiriira doorashooyinkii goloyaasha deegaanka
  2. Kiis ay soo gudbiyeen 8 xildhibaan oo sheegtey in sifo sharci darro ah baarlamaanka looga saarey sanadkii 2020.
  3. Kiis uu soo gudbiyey urur siyaasadeedka Mucaaradka ah ee Mideeye oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka ee la doonaayo in lagu dabaqo doorasho dhacdey iyo natiijo soo baxdey.

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa u fariisatey labada kiis soo hore.

Kiiska Madasha siyaasaddu soo gudbisey oo maxkmadda dastuurigu ku sheegtey cabasho ayey u dirtey Garyaqaanka guud ee Puntland si uu jawaab uga bixiyo, ilaa hadda waxa uu ku jawaabey looma gudbin kuwii dacwada soo gudbiyey.

Kiiska labaad ee Maxkamadda dastuuriga ah, ee ahaa sideeda xildhibaan ee Golaha wakiilada laga saarey ayey qaadey oo dhegaysatey, markii ay go’aanka gaari lahayd waxaa ku dhacay in ay dib danbe u fariisan waayaan garsoorayaashu.

Kiiska Saddexaad ee Mideeye oo haysta qodobo culus Maxkamaddu ma gelin, waxaana dhacdey in ay u kala qaybsameen laba qaybood 5 garsoore oo taagan in waxka beddelka dasruurka lagu xadgudbey qodobo aan marin habraacana la bedalay, sidoo kale aan lagu daqkhi karin natiijo soo baxdey oo ka horeysey.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Xasan Yusuf ayaa kadib dalka isaga baxay oo safar ku aadey Norway waxaana uu qaatey fasax laba bilood ah.

Haddaba su’aalaha la is weydiinaayo ayaa ah: Maxkamadda dastuurigu miyaaney kiisas qaadi karin iyada oo guddoomiyihii maqan yahay? ma madax ka noolbaa? haddii Madaxweynuhu dalka ka maqan yahay cashuur bixintu miyey istaagtaa? maxaa isku xirey fasaxiisa iyo kiisaska culus ee yaala? in uu dalka ka baxo ma wax la qorsheeyey baa?, miyaaneyse ogeyn garsoorayaasha kale in laba kamid ah xitaa ay go’aan gaari karaan.

Waxaa muuqata in Maxkamaddii dastuurigu saqiirtey awoodna u lahayn in ay qaado kiisas dastuuri ah, iyada oo horey loo moodi jirey haddii la dhiso in laga raysanaayo khilaaf siyaasadeed, ee su’aashu waxay tahay yaa dadka kala saaraya?.

Horseed Media