Maxkamadda Gobolka Banaadir oo markii 3-aad u fariisaneysa kiiska Cabdalla Muumin

Published: January 19, 2023

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saaka markii 3-aad u fariisanaysa dhegeysiga garmaqalka ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS Cabdalle Axmed Muumin ee saabsan Xorriyadda Saxaafadda.

Ururka u dooda xuquuqda saxaafadda ee SJS ayaa aaminsan in dastuurka dalka uu yahay Hooyada sharciyada, wax walba oo ka horyimaadana ay noqonayaan wax kama jiraan. Qodobka 18 ee dastuurka ayaana lagu damaanad qaaday xorriyadda Saxaafadda.

War kasoo baxay SJS ayaa lagu yiri” Waxaan rajeyneynaa in sarreynta sharcigu shaqeeyso, Cabdalle Axmed Mumin hello GAR caddaalad ah”

Sidoo kale warka waxaa lagu soo gabgabeeyey “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan ka dalbaneynaa in eeddiisa uu la laabto”

Horseed Media