Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga Kiiska Dilkii Marxuumad Luul Cabdicasiis

Published: February 27, 2024

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ku eedeysanaa In uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul Cabdicasiis oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray.

Marqaatiyaal uu keenay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa la horkeenay Maxkamadda kuwaasi oo ka jawaabay waxii ay goob joogga u ahaayeen ama maqleen.

Maxkamadda ayaa dhageystay oo Su’aalo waydiisay Sayid Cali Macalim Daauud waxaa uu sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay in ay tahay asaga oo ka maseeray isla markaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa, asaga oo ka jawaabaya mid ka mid aj su’aalaha ayaa yiri ” Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Xeer Ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud Saciid oo soo gaba-gabeeyay doorka Xafiiska ee dacwad oogista ayaa ka codsaday Maxkamadda in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.” Waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in dil toogasho ah ku xukunto, kaasoo ah qisaasta Luul Cabdicasiis”

Abuukaate Xalane oo ah qareenka difaacayay ayaase qaba in uusan dambiile aheyn Eedeysane Sayid Cali isla markaana uusan galin dambiga loo maxkamadeynayo. ”Madaama aysan jirin cid si dhab ah u cadeyn karta, Luul ayada ayaa isgubtay, waxaana codsanayaa in Eedda xafiiska Xeer Ilaaliyaha la burburiyo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Sabaan ayaa sheegay in in dacwadda uusoo gaba-gabeeyay xukunkana ay dhawaan soo saari doonto.” Maanta waxaan soo xernay gal dacwadeedka sumadiisa tahay, 147/2024 waxaana dhawaan soo saari doona xukunka go’aanka Maxkamadda.”

Maxkamadda waxaa soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida dacwadda u socotay iyo Ehaladda Marxuumada iyadoo warbaahinta si toos ah looga daawanayay.