Maxkamadda Racfaanka ee Banaadir oo dhageysatay kiiska dilkii Marxuumad Luul Cabdicasiis

Published: April 21, 2024

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah bilowday dhageysiga dacwada loo heysto Eedaysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay kiiska dilkii foosha xumaa ee dabka iyo baaskiisa loo adeegsaday ee xaaskiisii marxuumada Luul Cabdicasiis.

Eedaysanaha oo maxkamada ka horhadlay furitaanka dhageysiga dacwada ayaa ku dooday inuusan geysan wax dil ah isla markaana ku dooday in lagu mashquulay dilka xaaskiisa balse aan laga hadlin dhaawacii isaga laftiisa kasoo gaaray dabkii uu ku shiday gurigii uu la deganaa Marxuumad Luul iyo Caruurteeda oo ku yaal degmada Dharkeynlay.

Qareenada u doodaya eedaysanaha oo ka socday xafiiska Qareenada Xalane ayaa ku dooday in Maxkamada Darajada Koowaad xukunka ay riday uu garab maray cadeynmaha lasoo bandhigay oo ay ku tilmaameen kuwo aan dhameystirneyn.

Xeer illaalinta oo iyaduna Maxkamada Racfaanka ka codsatay inaan la aqbalin codisga Racfaanka iyagoo si faah faahsan uga hadlay dhamaan qodobada ay ku doodeen qareenada eedaysanaha.

Maxkamada Racfaanka ayaa sheegtay kadib dhageysiga maanta ay soo saari doonto go’aanka codsiga Racfaanka oo ay soo gudbiyeen Qareenada Eedaysanaha ku xukuman dil toogasho ah.

Horseed Media