Maxkamadda sare ee dalka oo diiday cabashada xukmane Sayid Cali oo gubay xaaskiisa

Published: September 18, 2024

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin Da’uud, kadib markii ay si qoto dheer u dhageysatay cabashadiisa isla markaana ay daraaseeysay doodda Jawaabta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Maxkamada sare waxay diidday cabashada eedaysanaha, kuna raacday xukunka Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ee soo baxay 15/05/2024.

Eedaysanaha ayaa qirtay inuu si kas ah shidaal ugu gubay ooridiisa, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed, taas oo dhaawaceedii sababay dhimashadeeda.

Go’aankan cadaaladdu waa mid caddeynaya ku dhaqanka sharciyada iyo ilaalinta cadaaladda ee Soomaaliya.

Horseed Media