MD Guudlaawe Oo La Kulmay Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuduudaha iyo Federaalka

Published: March 30, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kula kulmay Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar, Wasiir Arrimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo howlwadeena Xafiiska Madaxweynaha waxaana gudiga ay ka warbixiyeen u jeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne oo ahaa xaqiijinta Soohdinta ay wadaagaan Dowladaha Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee gudiga waxa uuna faray Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *