MD Xassan Sheekh oo soo dhaweeyey wefdi sare oo ka socda Türkiye

25 October, 2024

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Jamhuriyadda Türkiye Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcada…

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Jamhuriyadda Türkiye Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcada maanta ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ujeedada socdaalka wefdigan ayaa ah in ay ka qeyb galaan munaasabadda daahfurka sahminta shidaalka Markabka ee Oruc Reis, kaas oo maanta ku soo xirtey Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay, Wefdiga wasiirka waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo munaasabba maanta ka dhacaysa Muqdisho ee daahfurka sahminta shidaalka.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay ayaa caddeyn u ah Meesha manta la taagan ee daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS C/risaaq Cumar.

Markabka Oruc Reis ayaa ku shaqeyn doona heshiis bishii Maarso ay kala saxiixdeen Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Sida uu dhigayo heshiiska, Oruc Reis waxa uu sahamin gaar ah ka samayn doonaa saddex baloog oo kala duwan, oo midkiiba dabooli doono dhul dhan 5,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka tirsan biyaha Soomaaliya. Haddii saliid la helo, markabka ayaa awood u leh inuu soo saaro shidaalka.

HORSEED MEDIA