Mdaxweyne Waare “ Waxaa socda wejiga 2-aad ee gurmadka Beledweyne ”

November 11, 2019
Horseed Staff
Sawir hore – Madaxweyne Waare

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay haatan wadaan wejiga Labaad ee u gurmashada dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle.

Waare ayaa sheegay inuu soo idlaaday wejigii Koowaad ee gurmadka, kaasi oo ahaa badbaadinta dadka, wejiga Labaadna yahay dhanka Samafalka.

“ Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay”

ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Magaalada Beledweyne waxaa weli ka soconaya dedaallada loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey fataahadda Wabiga Shabelle.