Meydadka Tahriibayaal Soomaali ah oo kasoo caariyey xeebaha Libya

Published: February 1, 2012

(Tripoli):-Odayaal ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Libya, oo uu hor-kacayay Qunsulka Safaaradda: Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa si degdeg ah socdaal ugu gaaray Magaalada Masraata oo 225-km xagga Bariga ka xigta Caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Socdaalkan ayaa yimid ka-gadaal markii Maydad kale oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah uu ku soo caariyay Xeebta Masraata. Kuwaas oo ka mid ahaa 40-kii qof ee Maydkooda lagu la’aa Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga.

Odayaashii Jaaliyadda ee la socday Qunsulka, ayaa Maydadkan oo saddex ahaa ku kala sheegay in lagu kala magacaabi jiray:-

(1) Cabdalla Macallin-Cabdiraxmaan(Kabtanka).

(2) Saciid Maxamed Faarax(Ilkacase).

(3) Aamineeto….. ….. oo iyadu ahayd Xaaskii :Musdhafa Cabdiraxmaan(Marshaale) oo laftiisa lagu la’yahay Badda. Gabadhan ayaa lahayd Uur bila yar ah oo muuqanaya.

Saddexda Mayd, ayaa lagu aasay Qabuuraha magaalada Masraata.

Sida la og-yahay dhawr casho ka-hor ayaa 15-Mayd oo kale lagu aasay Xeebta Masraata, ka-dib markii ay Baddu soo tuftay.

waxaana ilaa hadda ku maqan Badda 37 kale. Kuwaas oo ka mid ahaa 55 Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ay Doonnidu kula degtay Badda, xilli ay rabeen inay qaab Tahriib ah ku gaaraan Xeebaha Talyaaniga. Kuwaas oo 14-kii Bishan Jannaayo Ka shiraacday Xeebaha Libya.

Wariye: Anwar Bakhiit

Khartoum – Sudan

Tell: +249-925293622

Email: wararka@live.se