Midowga Afrika oo dalbadey dhaqaale lagu maal-geliyo hawlgalka ATMIS kadib

Published: April 9, 2024
Shares18
Somalia Requests Delay in UN Troop Drawdown Citing Security Concerns

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa dalbaday dhaqaale ku filan, oo la filaayo in la siiyo howlgalka daba-galka ah ee Soomaaliya kadib marka uu dhamaado hawlgalka kumeel-gaarka ah ee ATMIS.

Tani waxay daba socotaa ka bixitaankii Hawlgalka ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika bishii December ee sanadkan.

“AUPSC waxay soo dhawaynaysaa soo jeedinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan habaynta nabad-gelyada ka dib Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxayna tixgelinaysaa codsigii Soomaaliya ee ahaa hawlgal taageero nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo oo ay Qaramada Midoobay oggolaatay si loogu beddelo ATMIS laga bilaabo Jannaayo 1, 2025,” AUPSC ayaa bayaan ku sheegay Isniintii.

Hawlgalka ATMIS ayaa lagu wadaa in uu ka baxo Soomaaliya bisha December ee sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa socda diyaar garowga howlgal xiga oo ujeedadiisu tahay in la joogteeyo horumarka la gaaray ilaa hadda iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

AUPSC, oo ah hay’adda go’aan ka gaarista Midowga Afrika ee ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta khilaafaadka, waxay ku celisay baahida loo qabo in la sii wado taageerada Soomaaliya iyadoo la dhisayo ciidamada tayo leh oo suga ammaanka Soomaaliya.

AUPSC waxay ka codsatay guddiga Midowga Afrika inay sameeyaan qorshe dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku salaysan xaaladda dhulka, oo ay ku jiraan samaynta qiimaynta khatarta ah iyadoo lala tashanayo Soomaaliya, dalalka ATMIS ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay.

ATMIS ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxaana lagu wareejiyay 13 saldhig oo ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1-aad iyo 2-aad ee soo afjarida bixitaanka AMISOM.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa isku diyaarinaya in 4,000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro Soomaaliya bisha June ee sanadkan.

HORSEEDMEDIA