Midowga Musharixiinta: “Farmaajo danta Qaranka waxaa kala weyn saaxiibtinimada Fahad Yaasiin

Published: September 6, 2021

Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in go’aankan uu fure u yahay cadaalad ay helaan Qoyska Ikraan Tahliil Faarax iyo sidoo kale soo celinta sumcaddii Hay’adda NISA sida lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxba kama jiraan loogu tilmaamay Warkii kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

“Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday wuxuu cadeystay in uu
Saaxiibkiis Fahad Yasin kala weyn yahay xuquuqda muwaadinka, dastuurka iyo danta Qaranka.

ayaa lagu yiri qeyb kamid ah warsaxaafadedka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *