Midowga Musharixiinta oo ugu baaqay Guddiyada Doorashada in ay doortaan Hogaan cusub

Published: December 26, 2021

Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay Guddiga doorashada Heer Federal iyo Guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah u doortaan hoggaan cusub kadib markii ay sheegeen in xilkii laga qaaday hogaanka Guddiyada.

Midowga Musharixiinta ayaa ku booriyay Guddiyada in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.

Goluha Midowga Musharixiintu wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember, Goluhu wuxuu rajaynayaa in shirka uu kasoo baxo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda, Goluhu wuxuu aaminsan yahay in xalka uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran, taasoo keenaysa in natiijadeedana la agbalo.

ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharixiinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *