Midowga Yurub iyo Midowga Afrika oo sii kordhiyey cadaadiska saaran hogaamiyayaasha afgambiga Niger

Published: July 29, 2023

Midowga Yurub ayaa sheegay inay joojinayaan taageeradii dhaqaale iyo iskaashi ee dhanka ammaanka ee Niger kadib afgambigii militariga ee todobaadkan, iyadoo Midowga Afrika uu ugu baaqay hogaamiyayaasha militariga inqilaabka inay ku laabtaan xeryahooda.

Taliyaha ilaalada madaxtooyada Niger General Abdourahamane Tchiani ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu yahay madaxa dowlad ku meel gaar ah ka dib markii askartiisa ay xabsiga dhigeen madaxweyne Maxamed Bazoum Arbacadii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay website-kooda, Midowga Yurub wuxuu u qoondeeyay 503 milyan oo Yuuro ($ 554m) miisaaniyadiisa si loo horumariyo maamulka, waxbarashada iyo kobaca joogtada ah ee Niger muddada 2021 illaa 2024.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero go’aannada mustaqbalka ee ay qaataan urur-goboleedka Galbeedka Afrika, “oo ay ku jiraan soo rogida cunaqabataynta militariga Niger”.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay “taageerada” uu uhayo hogaamiyihii la afgambiyay ee Niger, isaga oo uga digay afduubayaashiisa in boqolaal milyan oo doolar oo gargaar ah ay halis geli karaan haddii aan dib loo soo celin dowladii dimoqraadiga ahayd.

Horseed Media