Midowga Yurub oo lagu wado inuu soo saaro sharciyo cusub ee socdaalka iyo magangalyada

Published: June 8, 2023

Wasiirada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub ayaa maanta ku shiraya Luxembourg si ay go’aan uga gaaraan haddii ay u codeeyaan ama ay diidaan xeerar cusub oo si wadajir ah loogu maareynayo soo dhaweynta iyo raritaannada magangalyo-doonka.

Haddii la ansixiyo, heshiisku waxa uu ka dhigan yahay horumar aan la isku hallayn karin oo laga gaadhay dadaalka dheer ee lagu dhisayo qaab-dhismeedka ee uu Midowga Yurub si wadajir ah ugu maamulayo dadka soogalootiga ah, qodobkan oo ay si weyn isugu khilaafsan yihiin wadamada qaar.

Sannadkii hore, Midowga Yurub waxa soo gaaray in ka badan 962,000 qof oo magangalyo-doon ah, waana tiradii ugu badnayd lixdii sano ee la soo dhaafay.

Horseed Media