Midowga Yurub oo qalab milatari ku wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Published: June 16, 2022

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska ciidanka Xoogga Dalka ayaa agab ciidan oo casri ah kala wareegay howlgalka Midowga Yurub.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Janaraal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlaglka ciidanka xoogga.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu xusay in guulaha ciidanka ay qayb ka tahay adeegsiga qalabka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa midoga Yurub ugu mahad celiyay tababarrada iyo qalabaynta ciidanka xoogga, wuxuuna ciidanku faray inay sidii loogu tala galay u adeegsadaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *