Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland

Published: June 8, 2021

Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyey habkii ay u dhacday doorashadii Somaliland ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa taageero loogu muujiyay natiijada ka soo baxday doorashooyinka guud ee labada gole ee maamulka Somaliland hase ahaatee waxaa walaac loogu muujiyay doorka haweenka ee doorashadan oo gabi ahaanba aanay jirin haween kusoo baxay.

Golaha Wakiilada iyo Maamulka dhexe ee Somaliland ayaa loogu baaqay in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah si loo hubiyo matalaadda haweenka ee siyaasadda.

“Waxaan sugeynaa tallaabooyin deg deg ah oo la taaban karo oo ka yimaadda Baarlamaanka cusub iyo xukuumadda si loo hubiyo in metelaad caddaalad ah ay haweenku ku yeeshaan maamulka”

Doorashooyinka todobaadkii hore ka qabsoomay Somaliland ayaa rajo xumo ku riday haweenka kuwaasoo wax natiijo ah kasoo hoyn waayay doorashada taasoo keenaysa in wax matalaad ah ay ku yeelan waayaan Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *