Midowga Yurub oo Warbixin Ka Soo Saaray Dagaaladii ka Dhacay Dhuusamareeb iyo Beledxaawo

Published: March 14, 2020

Warbixin midowga yurub uu soo saaray ayuu kaga hadlay Dagaaladii ka dhacay xuduuda Kenya iyo Somalia iyo dagaaladii. ka dhacay Magaaladda Dhuusamareeb,

Midowga yurub wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in hantidii iyo xoogii milateri ee la doonayay in lagula diriro ururka alshabaab ee ka socda goboladda shabeelaha dhex iyo hoose loo leexiyay meelo kale

Warbixinta midowga yurub waxaa lagu sheegay in dagaaladii u dambeeyay ay sabababeen barakac ballaaran iyo deganaansho la’aan ka dhacay gobolka Gedo, islamarkaana khatar galisay deganaanshihii Somaliya

Midowga yurub wuxuu ku taliyay in wadashaqayn buuxda ay yeesheen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, islamarkaana la dhiso ciidamo isku dhaf ah.

Gabagabadii, Midowga yurub wuxuu soo dhaweeyay xiriirkii khadka telefoonka ee dhexmaray madaxweynayaasha Somaliya iyo kenya, waxay kaloo dhiirgaliyeen iskaashi wanaagsan oo dhexmaray wadamada Itoobiya, Kenya iyo Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *