Mire Awaare: Mudug VS Kar Kaar

Published: February 10, 2012

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa galabta ka dhacaysa ciyaar aad u xiisa badan oo ka tirsan Far dhamaadka tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland.

Ciyaartan oo kooxdii badisaa ay la ciyaari doonto ciyaarta kama danbaysta Xulka gobolka Nugaal oo shalay u soo baxay finalka koobka goblada putnland

Xulka Kubada cagta gobolka Mudug oo dadka intooda badani ay u saadaalinayaan inuu koobkan qaadi dooni ayaan marna laga badin 3-dii ciyaaradood ee uu horay usoo yeeshay isagoo wata 9 dhibcood

Sidoo kale gobolka Karkaar oo isna ah xul aad u adag ayaa qaar kamid ah ciyaartoyda galabta u dheeleysa oo Horseed Media la hadlay waxay sheegeen inay og yihiin in xulka Gobolka Mudug uu yahay mid aan la dhayalsan karin haseyeeshee ay ka go`antahay iyaga inay ciyaarta galabta badiyaan si ay Finalka ugu soo baxaan.

Qaban qaabo xoogan oo ku aadan ciyaarta galabta dhacaysa ayaa xiligan ka socota garoonka kubadda cagta ee magaalada Garoowe, waxaana garoonka soo buux dhaafiyey kumanaan taageerayaal ah oo xilli hore boosaskooda sii qabsaday si aan tikidhada looga dhamaysan.

Natiijada ay ciyaartaas oo ka tirsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland kusoo gaba gabowdo iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

 

Horseed Media