Mombasa – Weerar lagu qaaday macalimiin iyo arday

Published: November 20, 2019

Booliska gobolka xeebta ah ee Mombasa Kenya ayaa sheegay in Laba ka mid ah shaqaale jaamacadeed ay ku dhinteen kaddib markii weerar ay kala kulmeen koox loo maleynayo Al-shabaab.

Shaqaalaha la dilay oo laba haween ah ayaa waxaa ay la socdeen gaari ay leedahay Jaamacadda Ukunda ee Mombasa, waxaana la socday ardey iyo ciidan boolis ah oo ilaalinayay.

Larry Kieng, oo ah taliyaha booliska gobolka xeebta ah ee Mombasa Kenya ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ku tuhmayaan in ay yihiin AL-shabaabka ka dagaallama Kenya.

Weerarka ayaa shalay oo Talaado ahayd ka dhacay xeebta Badweynta Hindiya halkaas oo ay ardeyda iyo shaqaalaha dhintayba ku sii socdeen Xarunta Jaamacadda.

Booliska ma sheegin khasaare kale oo ka dhashay weerarkaas iyo in ay waxyeello u geysteen kooxda weerartay gaari Jaamacadda Ukunda ee dalka Kenya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *