Moscow: Afarta nin ee ka danbeyey weerarkii tiyaatarka oo maxkamad ka soo muuqday

Published: March 25, 2024

Afar nin oo lagu eedeeyay inay dad ka badan 137 qof ku dileen goob bandhig faneed ku taal duleedka magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka fiidnimadii jimaha, ayaa lagu soo oogay dacwad argagixisanimo ka dib markii ay ka soo muuqdeen maxkamad ku taala Moscow iyaga oo ay ka muuqatay jirdil aad u ba’an.

Eedeymahan ayaa yimid xilli dambe oo Axadii ah, iyadoo Ruushka uu hoos u dhigay calankiisa maalin baroor diiq ah oo ku saabsan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay gudaha dalkaas muddo labaatan sano ah.

Ugu yaraan 137 qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu dilay weerarka ISIL (ISIS) sheegatay. 182 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, saraakiisha caafimaadkuna waxay sheegeen in 40 ka mid ah ay ku jiraan xaalad “halis ah” ama “aad u daran”.

Maxkamadda degmada Basmanny ee magaalada Moscow ayaa sheegtay in afarta eedeysane ee weerarkaas ka dambeeyay ay magacyadoodu kala yihiin Dalerdzhon Mirzoyev, oo 32 jir ah; Saidakrami Rachabalizoda, 30; Shamsidin Fariduuni, 25; iyo Mukhammadsobir Faizov, 19.

Raggan oo dhamaantood ah muwaadiniin u dhashay dalka Tajikistan ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay geysteen fal argagixiso oo sababtay dhimashada dad badan. Dembigu waxa uu xambaarsan yahay ugu badnaan xabsi daa’in.

Dhammaantood waxaa la amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa 22-ka May.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda ayaa sheegtay in Mirzoyev iyo Rachabalizoda ay qirteen dambiga weerarka kadib markii lagu eedeeyay.

Saddex kamid ah kooxda argagsixisada ahi ayaa waxaa ka muuqday nabarro culus oo ay ka mid yihiin wejiyada oo bararay, halka Faizov laga keenay isbitaalka isagoo saaran kursiga curyaamiinta, wuxuuna ku fadhiyay indhihiisa oo xiran intii ay dacwadu socotay. Waxaa goob joog ka ahaa dhaqaatiir caafimaad intii uu ku sugnaa maxkamada, halkaasi oo uu ku labisnaa dharka isbitaalka.

Madaxweyne Vladimir Putin, oo ballan qaaday inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay “Weerarka Argagixiso ee waxashnimada ah”, ayaa sheegay in afarta nin la qabtay xilli ay isku dayayeen inay u baxsadaan Ukraine. Kyiv ayaa si adag u beenisay in uu xiriir la leeyahay weerarka.

Hanad Askar – Horseed Media