Mubarak oo la xukumaayo bisha Juun

Published: February 23, 2012

Madaxweynihii xukunka laga tuurey ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak oo maxkmadiisu socotey bilihii la soo dhaafey ayaa xukunkiisa la ridayaa 2 bisha Juun ee sanadkan 2012, Xaakimka maxkmadda qaadeysa dacwadda Axmed Rifat ayaa sidaas ku dhawaaqey.

Mubarak ayaa lagu soo eedeeyey in uu qayb ka ahaa dadkii ku banaanbaxayey ee la diley sanadkii hore bilihii Janaayo – Feberaayo.

Dacwad oogaha ayaa codsadey in Mubarak lagu xukumo Dil.

In ka badan 800 oo qof ayaa dhintey mudadii kacdoonku socdey.

Sida laga soo xiganayo Xaakimka Maxkmadda ayaa balan qadey in maalinta xukunku dhacayo laga daawan doono Telkefishanka si toos ah.

Horseed Media