Mucaaradka Iyo Maxkamada Sare Ee Puntland Oo War Kasoo Saaray Go’aankii Isimada SSC-Khaatumo

Published: December 25, 2023

Qaar ka mid ah murashaxiinta mucaaradka ah ee Puntland oo xalay war soo saaray ayaa sheegay in hadalkii dhawaan ka soo yeeray isimada dhaqanka ee SSC- Khaatumo ay isxtiraamayaan hase-yeeshee ay muhiim tahay in heshiis loo dhanyahay laga gaaro arrinta ku saabsan soo xulista xildhibaannada SSC.

Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka maxkamada sare ee Puntland, Axmed Sheekh Cumar Xasan ayaa sheegay in go’aanka isimada Khaatumo uu yahay mid ka hor imaanaya heshiisyadii hore loo gaaray.

Wuxuu intaa raaciyay in waqtiga uu go’aanku ku soo aaday uu yahay xilli aan ku habbooneyn.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media