Mucaaradka Somaliland oo kahor yimid in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya & Somaliland

Published: December 7, 2022
Shares4

Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Ergo ka socota Dowladda Norway oo kala ah, Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu.

Ugu horrayn, Ergada iyo Madaxda Mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxda mucaaradka ayaa Ergada u sheegay in aanay hadda haboonayn in dib loo bilaabo wada hadaladaasi, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan Doorashooyinka, isla markaana ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyadu.

Madaxda Mucaaradka ayaa sidoo kale Ergadan siiyay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo mawqifkooda ku aaddan khilaafka cakiran ee ka jira Doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay warbaahinta xisbiyada mucaaradka ayaa lagu sheegay in “Xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aanay ixtiraamayn sharciga oo ay samaysay sharci-jabin badan oo ay kamid tahay muddo kordhin aan sharci ahayn oo ay kororsatay”

Horseed Media