Mudaharaad looga soo horjeedo dilalka oo ka dhacay Degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag

Published: February 5, 2023
Shares6

Shacabka Degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta ka mudaharaaday dilalka soo noqnoqday ee magaaladaasi ka dhaca.

Shacabka ayaa lasoo baxay calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, iyagoo ku sheegay in aysan doonayn Ciidanka Soomaliland ee deegaanka ku sugan.

Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag waxaa horay uga dhacay dilal lagu eedeeyey inay geysteen Ciidanka Soomaliland.

Banaanbaxyada Ceel-Afweyn ayaa ku aadaya xilli dhowaan banaanbaxyo kuwaas lamid ah ay ka dhaceen Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Horseed Media