Muhammad Yunus oo hogaamin doona Dowlada KMG ee Bangaladhesh

Published: August 8, 2024

Dhaqaale-yahanka Muhammad Yunus oo horey ugu guuleystay billada Nobel, ayaa maanta oo Khamiis ah loo dhaarinayaa hogaamiyaha maamulka Kumeel-gaarka ah.

Militariga ayaa ku dhawaaqay dhismaha maamulka kumeel gaarka ah kadib markii xukuumadii hore ay dhacday.

Dhalinyaradda oo hormuudka u ahaa kacdoonka ayaa codsaday in Muhammad Yunus oo sumcad weyn dalkaasi kuleh uu noqdo hogaamiyaha maamulka KMG ah.

Raysalwasaarihii hore Hasina & qaar kamid ah taageerayaasheeda ayaa dalka isaga cararay isniintii lasoo dhaafay.

Shacabka kacdoonka wada ay bililiqeystay in badan oo kamid ah guryihii ay degenayeen madaxdii hore.

Maamulka KMG ah ayaa laga doonayaa inay dalka sii hogaamiyaan inta laga qabanayo doorashooyinka.

Horseed Media