Muqdisho: Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Rag dhac ka geysta degmada Howlwadaag

Published: January 14, 2023
Shares10

Ciidanka booliska saldhigga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo nin oo hubaysan.

Ragan hubeysnaa ayaa la sheegay in loo heysto inay dhac ay u geysteen dadka deggan xaafadaha kala duwan ee degmada Howlwadaag, waxaana laga soo qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhanka kale, ciidanka Saldhigga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa xalay soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka-dooriya.

Kooxdan ayaa gacanta lagu soo dhigay iyagoo ku sugan goob ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha xilli ay ku iibinayeen waxyaabaha maanka-dooriya.

Horseed Media