Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay Burcad dhac iyo furasho u geysanayay dad shacab ah

Published: March 25, 2021

Ciidanka booliska Soomaaliya  ayaa sheegay in  ay gacanta kusoo dhigeen burcad dhac u geysan jiray dadka shacabka ah kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Wadajir.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlada Federaalka Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar oo ka warbixiyay howlgalkaay ciidamadu kusoo qabteen raggan burcadda ah ayaa sheegay in ciidanka amaanku ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan 30 nin oo burcad oo kuwaasoo ku howlanaa dhaca dad rayid ah.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay falal liddi ku ah amaanka gaar ahaan dhac ay geysanayaan burcad hubeysan kuwaasoo dhibaatada badan ku haya shacabka kunool degmooyinka gobolka Banaadir.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *