Muqdisho: Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde oo maanta la hakiyay

Published: December 28, 2022

Waxaa maanta hakad ku jira duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay wargelin ku aaddan in maanta la hakiyay howlihii duulimaad ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Hay’adda ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargelisay in shaqadii garoonka ee duulimaadyada la hakiyay, laga bilaabo 6-da subaxnimo illaa 6-da fiidnimo ee Arbacadan, sababo farsamo awgeed.

Ma cadda sababta dhabta ah ee loo hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxayse imaanaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada uu shir uga socdo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale hakadkan ayaa loo sababeynayaa safarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta soo gaaraya Muqdisho, iyagoo ay xiran wadooyinka waa weyn ee Magaalada.

Horseed Media