Muqdisho: Is-beddel Lagu samaynayo Sanadkan Arrimaha Xajka [DAAWO]

Published: December 19, 2019

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cabdi Xakiin Sheekh Xasan Ashkir, ayaa sheegay in Dowladdu ay is-beddel weyn ka samaysay Sanadkan arrimaha Xajka.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay madaxda Dalka ugu sarreysa oo uu sheegay in ay dedaallo fara badan ku bixiyeen in Xujeyda Soomaaliyeed loo fidiyo tasiilaad aysan horay u heli jirin, iyagoo aad ugu kuur galay baahiyaha jira.

Wuxuuna sidoo kale ka warbixiyay dhibaatooyinkii kala duwanaaa ee ay Xujeyda la kulmi jireen, caqabadihii haystay iyo marxaladihii qallafsanaa ee ay soo mareen xilligii burburka.

Wasiiru Dowlaha ayaa u mahad celiyay Shirkadihii isu xil-qaamay in ay si howl-karnimo ah u gutaan waajibaadkooda muwaaddin-nimo iyo tan Islaam-nimo, wuxuuna ugu baaqay in ay dedaalladooda sii kordhiyaan, wixii caqabada ahna ay la wadaagaan Wasaaradda Awqaafta si shaqada u qurux badnaato una wanaagsanaato.

Dowladda Soomaaliya ayaa Xujeyda Soomaaliyeed u fidisay tasiilaad fara badan oo aysan horay u heli jirin Sanadkii tagay ee 1440 Hijriyada, iyadoo haatann qorshaynaysa in ay sii kordhisao dedaalladeeda ku aaddan caawinta Xujeyda Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *