Muqdisho oo La Keenay Sheybaarka lagu Baarayo Cudurka Corona-virus

Published: April 7, 2020

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo gaaray shaybaarkii lagu baaro cudurka Coronavirus oo ay hore u dalbadeen.

Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareysay in hadda wixii ka dambeeya xarunta Sheybaarka Qaranka ee Muqdisho lagu baaridoono Cudurka Corona-virus.

Dowladda Federaalka ayaa markii hore u diri jirtay muunadaha cudurka ee dadka laga qaado shaybaarada lagu baaro cudurka coronavirus ee Magaaladda Nairobi ee Kenya.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/251413279586368/

Dowladda federaalka waxa ay walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, iyo cabsida ay ka qabaan inuu ku dhex faafo bulshada. cudurka ayaa laga helay 7 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *