Muqdisho oo lagu dilay wiil dareewal ka ahaa Mooto-bajaaj.

Published: March 14, 2020

Sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha wiil dhalinyaro ah oo dareewal ka ah Darawal Mooto bajaajle ayaa saaka lagu dilay xaafada Seybiyaano degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.Dadka d eegaanka ayaa warbaahinta u sheegay w in ruuxa dilka geystay uu ahaa nin watay gaari yar, waxaana la sheegay in uu dilkaan uu si ula kac ah u sameeyay.

Ka hor inta aanay dhicin toogashada ayaa waxaa dhex maray muran ku saabsan isticmaalka wadada oo ay hal waddo isaga soo hor-baxeen, waxaana la sheegayaa in darawalka mooto bajaajka uu ku diiday in seedkiisa aheyd wadada uu ka soo galay gaariga kale.

Intaas kaddib ayaa qofkii watay gaariga yar oo hubeysnaa ayaa toogtay wiilkii darawalka bajaajka ahaa, taasoo dhaawac soo gaaray kaddib uu u geeriyooday, Qofka gacan ku dhiiglaha ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, isagoo gaarigiisa wata, waxaana ciidamada amniga oo goobta soo gaaray bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan si gacanta loogu soo dhigo, loona soo taago Maxkamad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *