Muqdisho: Qarax ka dhacay degmada Xamar Weyne

Published: February 23, 2021

Waxaa goordhaweyd qarax ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Booliiska Degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Ninkan naftii haligaha ah ayaa la sheegay inuu markii hore damcay inuu gudaha u galo Suuqa Muqdisho Mall kadibna ay dib u celiyeen illaalada suuqaasi.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah; qofkan ayaa saldhiga Booliiska hortiisa ku qarxiyey suunkii uu watay isagoo ka cararayey Askar Booliis ah oo goobta ka ag dhawaan oo isku dayey inay gacanta ku dhigaan.

Booliiska ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen hal qof oo laga shakiyey, waxaana dhaawac soo gaaray mid kamid ah askarta booliiska degmada.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar hore sidan weeraro uga geystay goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida makhaayadaha iyo hotelada caanka ah, waxayna sidan oo kale marar hore weeraro ugu qaadeen nawaaxiga suuqaasi Muqdisho Mall oo ah goob ay shacabka ku badan yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *