Muqdisho: qarax ka dhacay garoonka kubadda cagta ee degmada Wardhiigleey

Published: February 27, 2012

Ugu yaraan 2-qof ayaa ku dhintay ku dhowaad 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka qarxay bartamaha garoonka Minashiibiyo ee degmada Wardhiigley xilli galabta ciyaar kubadda cagta ahi ay bilaabmi lahayd.

Dadka qaraxaas ku waxyeeloobey oo u badnaa dhalinyaradii ciyaartoyga ahayd ayaa waxaa goobta ku qurbaxay labo kamid ah waxaana Isbitaalada loola cararay 7-kale.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira qaar ay xaaladoodu halis tahay arintaas oo abuurtay cabsi ku aadan in tirada dhimashadu ay saacadaha soo socda kororto.

Ciidamada ammaanka ayaa durbadiiba goobta uu qaraxaasi ka dhacay soo gaarey mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay inay leedahay mas’uuliyadda qaraxaas ay dadku ku dihnteen.

Qaraxa galabta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli isla goor hore oo maanta ah garoonkaas miino kale ay ciidamadu ka saareen.

 

Horseed Media