Muqdisho: Safaaradda Turkiga oo beenisey inay ku lug leedahay banaynta xarumihii hore ee dowlada

Published: February 14, 2012

Mas`uuliyiin ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa beeniyey eedeyn loo soo jeediyey oo ah in dowlada Turkigu ay ka danbeysey qorshaha ay DKG ah ee Soomaaliya ku banaynayso xarumihii hore ee dowladda.

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Cemalettin Kani Torun oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowlada Turkigu aanay arintaas waxba kala socon islamarkaana ay tahay mid been abuur ah.

” banaynta xarumihii hore ee dowladda oo laga raray dadkii degenaa waxaa lagu eedeeyey dowlada Turkiga, balse anagu arintaas waxba kalama socono waana tallaabo ay DKG ahi si madax banaan u qaaday” Cemalettin ayaa yiri.

Safiirka Turkigu waxa kale oo uu tilmaamay in ujeedada ugu weyn ee xiligan ay Muqdisho u tageeni ay tahay sidii dadka Soomaaliyeed gargaar bini aadminimo loogu fidin lahaa.

” Eedeyntani waxay meel ka dhac ku tahay dadaalkii aan ku jirney, Turkiguna Soomaaliya wuxuu u tegey arimo bini aadminimo oo keliya “

Dowlada Turkiga oo horsood ka ahayd gargaarkii Soomaaliya loo fidiyey xiligii ay macaluushu ka jirtey qaybo ka mid ah dalka waxay sidoo kale noqotay dowladda keliya ee indhaha caalamka kusoo jeedisey Soomaaliya oo ahaa dal mar hore la ilaawey.

Eedeyntan ayaa ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee loo soo jeediyo Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaase jirey dhowr mar oo horay loogu soo eedeeyey qaybinta daawooyin dhacay iyo deeqaha waxbarasho ee Turkigu oo aan si wanaagsan loo maamulin.

 

Horseed Media

Xigasho: worldbulletin