Muqdisho: Sixiroole 10 sano oo xabsi ah lagu xukumey

Published: August 9, 2023

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Salaasa ah go’aan kasoo saartay kiis xasaasi ah oo ka dhashay dacwado ka dhan ah nin sixiroole ah oo sameeyay arrimo yaableh oo ku aadan kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo qarsoodi ah oo uu ku sameeyey haween kala geddisan.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble, isla-markaana ah 52 sano jir ayaa waxaa horay gacanta kusoo dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isaga oo gacanta kula jira ficil fool xun iyo sidoo kale gogol dhaaf.

Baaris dheer oo ay sameysay xeer ilaalinta qaranka kadib ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jiraan haween dhibane u ah ninkan, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi iyo duubis muuqaallo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay.

Garyaqaan Xiis oo kasoo socotay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamadda u shararxaday dhibaatooyinka kala duwan oo uu ninka u geystay dhibayaasha, Xiis ayaa shegtey in ninkaan dumarka uu bartilmaameedsado oo dhibaateeyo ay ahaayeen kuwa la qabo ama xaas ah.

”Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri nin ka soo tooseysa in ay u bareerto macsi sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dadka uu rabo inuu dhibaateeyo uu ka egan jiray gawaarida dadweynaha, halka kuwa kalena uu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka,, isaga oo dabagalayay muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah.

Xeer ilaalinta, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashan oo qaarkood joogay maxkamadda, inkastoo la qariyay magacyadooda iyo wajiyadooda, sababo la xiriira anshaxa.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garsoore Saalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

Horseed Media