Muqdisho:Qof Cusub oo aan Dalka Ka Bixin oo laga Helay Cudurka Coronavirus

Published: April 7, 2020

Wasaaradda caafimaad ee dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa goordhaweyd xaqiijisay in qof cusub laga helay cudurka coronavirus, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka laga helay 8 qof.

Wasaaradu waxay sheegtay in qofka laga helay cudurka uu yahay muwaadin Somaliyeed oo aan dalka ka bixin

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan” sidaas waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda

https://www.facebook.com/WasaaraddaCaafimaadkaSoomaaliya/posts/2689382474518254

Dhinaca kale, Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in sideeda qof ee laga helay cudurka uu mid ka mid ah ka bogsaday Coronavirus.

Dowladda federaalka ayaa maanta ku dhawaaqday in magaaladda Muqdisho la keenay shaybaarka lagu baaro cudurka Coronavirus, iyadoo sheegtay in wixii hadda ka dambeeya muunadaha cudurka lagu baari doono dalka gudihiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *