Musaabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhaceysa

Published: June 9, 2022

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto caleema saarka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo baxay doorashadii dhacday 15 May 2022, oo uu kaga guuleysto ku dhawaad 40 Musharax.

Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha oo ka dhaceysa Hoolka Afisyooni ayaa laga dareemaya Magaalada Muqdisho, iyada oo ay socoto qaban qaabada Xafladda.

Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha waxaa ka qeyb gali doona Madax kala duwan oo ka kala imaanaya waddamada Caalamka oo ay ugu horreeyaan Madaxweynayaasha waddamada darsika la ah Soomaaliya.

Madaxda lagu casuumay xafladda caleema saarka Madaxweynaha 10aad ee JFS ayaa waxaa ka mid ah: Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan, Madax ka socota waddamada; Turky, Imaaraadka, Boqortooyada Sacuudi, Qatar, Cumaan, Maleysiya, Ururka Jaamacadda Carabta, Wakiillada Beesha Caalamka.

Dhanka kale Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeeb gali doona; Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Madaxweyna yaasha Dowlad Gobaleedyada Dalka, Ra’iisul Wasaarayaashii hore, Duqa Caasimadda, Mudanayaasha BFS, Wasiiro iyo Marti sharaf kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *