Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan xasaasi ah la qaatey Aadan Madoobe

Published: September 25, 2023
Shares18

Siyaasiyiinta ka so jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo qaarkood u sharaxan yihiin xilka Madaxweynaha ayaa kulan muhiim ah la qaatey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Mudane Adan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka waxaa ka qaybgalay saddex kamid ah guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka kuwaas oo kala ah Shariif Sheekh Aadan, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Maxamed Mursal iyo agaasimihii hore ee Madaxtooyada ee dhawaan xilka iska casiley iyo weliba siyaasiyiin kale.

Jawaari oo saxaafadda la hadley kulanka kadib ayaa sheegay in ay Aadan Madoobe u gudbiyeen baaqii ay soo saareen dhawaan ee la xiriirey doorashada Koonfur Galbeed.

Waxaan kala hadalney Guddoomiye Aadan Madoobe heshiiskii aan Baydhabo ku galney bishii febaraayo 2023 ee ahaa in doorashadu dhacdo Janaayo 2024, xiigii soo dhawaadey sidaas darteed loo wada istaago sidii doorasho hufan u dhici lahayd ayuu yiri Jawaari

Mudane Jawaari ayaa sheegay in 5 Oktoobar 2023 ay tegayaan magaalada Baydhabo si loo dardargeliyo qabsoomid doorashada.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaan ilaa hadda ka hadlin qabsoomidda doorashada inkasta oo muddo xileedkiisi la dhaafey dhamaadkii sanadkii hore, heshiis ka dhacay Baydhabo oo uu joogey Madaxweyne Xasan Sheekh lagu gaarey in muddo sanad ah muddo xileedka loogu daro doorashadana la qabto 1-da Nofeembar 2023.

Horseed Media