Muuse Biixi oo qaabilay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Somaliland

Published: August 3, 2021

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey Guddoonka cusub ee Maanta loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland ayaa loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo helay 42 cod.

Tartanka guddoomiyaha Golaha ayaa looga guuleystay Yasiin Faratoon oo ka tirsanaa xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo helay 39 cod.

Xildhibaan Siciid Mire Faarax Giirre ayaa loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad halka Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *