Muuse Biixi oo ugu danbeyn oggolaadey soo jeedinta odoyaasha Habarjeclo

Published: August 30, 2023
Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku oggolaadey soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee beesha habar Jaclo ee arrimaha doorashooyinka.

Odoyaasha dhaqanka beesha Habarjeclo ayaa isu xil saarey in ay xal ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee murugsan, waxaa u qoor dhiibtey xisbiyada mucaaradka ah, laakiin xisbiga Kulmiye uma qoor dhiiban, waxaana hadda khasbey isbeddelka weyn ee ka dhacay Somaliland. Odoyaasha ayaa ku dhawaaqey in doorashada ururada siyaasadda iyo tan Madaxweynaha la isa saaro lagana dhigi 13 Nofeembar 2024, halka doorashada Madaxweynaha ay ku tartami karaan keliya saddexda xisbi ee hadda jira.

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka,” ayuu Muuse Biixi ku yiri wareegto uu maanta soo saaray.

Muuse Biixi waxa uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada in soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee uu aqbalay ay waafajiyaan xeerarka doorashooyinka ee dalka, si doorashooyinka u hir-galaan.

Go’aanka odoyaasha dhaqanka Habarjeclo ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeyaasha Waddani iyo Ucid, Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, danta ugu jirta ayaa noqotey in ay sii ahaadaan Xisbiyo jira isla markaana fursad u heli karaan doorashada in ay keligood la tartamaan Biixi, halka Muuse Biixi uu ka heley in loo ogglaadey labadii sano ee loogu daray.

Arrimahan ayaa ku soo beegmay iyada oo Hargeysa ay ka dilaacdey jamhad la baxdey Gacan Libaax kuwaas oo hubeysan oo dagaal la galay ciidanka Somailand, sidoo kale waxay ku soo beegmeysa iyada oo la soo afjaray ciidamadii Somaliland ee dagaalka ka wadey Sool muddo 8 bilood ah, lagana saarey gobolka Sool oo dhan.

Horseed Media