Waddani & UCID oo oggolaadey muddo kordhintii Muuse Biixi loo sameeyey

Published: August 28, 2023
Shares34

Guddi loo xilsaarey in ay go’aan ka gaaraan murnka siyaasadeed ee Hargeysa ayaa soo saarey go’aamo ay durba soo dhaweeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah.

Guddi odoyaal ah ka tirsan beesha Habarjeclo ee Isaaq ayaa shir ay muddo u fadhiyeen ka soo saarey go’aamo xal u ah muranka siyaasadeed ee Somaliland ka jirey, kadib markii Muuse Biixi muddo kordhin loo sameeyey ka bilaameysey 13 Nofeembar 2022. Muuse Biixi ayaa soo hormariyey doorashada ururada siyaasadeed si meesha looga saaro xisbiyada Waddani iyo UCID.

Guddigu waxay soo jeediyeen in dib lo dhigo doorashada ururada siyaasadeed ee la qaban lahaa December 2023, lagana dhigo 13 Nofeembar 2024, Sidoo ale Doorashada Madaxweynaha in isla xiligaas la qabto laakiin ay ku tartamaan musharixiin ka socota Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani oo keliya.

Durba waxaa go’aankan soo dhaweeyey Cabdiaxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ah muharaxa xisbiga waddani, waxa uu sheegay in uu sidaas u yeelay danta iyo midnimada Somaliland, Cirro waxa uu sheegay in guddiga markii hore ay u qoor-dhiibteen.

Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha UCID oo qaba koofiyad iyo shaar tuute ah oo kala cayn ah ayaa maanta saxaafadda la hadley, si lamid ah ayuuna u soo dhaweeyey.

Xisbiyada Waddani iiyo UCID ayaa ku beddeshey keliya in tartanka Madaxweynaha ay geli karaan sanadka danbe dhamaadkiisa, waxaana ay oggolaadeen in Muuse Biixi yahay Madaxweynahooda iyada oo muddo xileedkiisi uu dhaafey.

Arrimahan ayaa imaanaya iyada oo mustaqbalka Somaliland mugdi galey kadib markii ciidamadii Somaliland ay ku soo jabeen dagaalkii Laascaanood ee qaatey muddo 8 bilood ah., waxa taas dheer jamhadda gacan Libaax ee hargeysa looga dhawaaqey oo sii xoogeysanaysa, taas oo ka soo horjeeda taliska Muuse Biixi.

Horseed Media