Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqey in aysan Muuse Biixi Madaxweyne u aqoonsaneyn

Published: November 13, 2022

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo maanta oo Axad ah shir u socdey ayaa caawa soo saarey go’aamo aad u adag, kadib markii muddo xileedkii uu ka dhamaadey Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku keyd maanta 13 Nofeembar 2022.

Musharaxa xibsiga mucaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo uu garab taagan yahay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa warsaxaafadeedka akhriyey waxaana uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi dalka ku hoggaamiyey hoog iyo halaag, dadkii diidey muddo kororsigiisana uu ka dhigey mid u xiro, mid uu dilo, iyo mid uu cayriyo, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ay shacabki doortey Madaxweyne Biixi ay u sheegayaan in mudadadii aad doorateen ay ka dhamaatey waxa uu maanta xafiiska ku joogana ay tahay sharci darro.

Ilaa shan qodob ayaa xisbiyada mucaaradku isku raacen, waxaana ugu adkaa in aysan maanta laga bilaabo Muuse Biixi Cabdi u aqoonsaneyn in uu yahay Madaxweynaha Somaliland, ayna u aqonsan yihiin nin xafiiska sharci darro ku sii jooga iyo guddomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal lagu xalinaayo arrintan taagan, laakiin ay gelayaan doorasho ay jadwalkeeda lee yihiin kommishanka doorashooyinka oo ay u horeyso tan madaxweynaha.

Shacabka ayuu ugu baaqey in ay ilaaliyaan nabadgelyada, sidoo kale ay ka horyimaadaan sharci darro in lagu xukumo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo xileedkiisu ku ekaa maanta, laakiin waxa taas beddelkeeda uu furey in xisbiyo cusub ay tartamaan si loo helo sadex xisbi oo Somaliland yeelato maadaama 10 sanoba hal mar la furo taas oo ku beegantey sanadkan, waxaana u meesha kasaarey doorashadii Madaxweynaha, guurtida Somaliland ayaa ku raacey oo muddo xileedka u kordhiyey muddo laba sano ah, waxaa xusid mudan in guurtida Somaliland aysan shacabku dooran, oo ay yihiin kuwo beeluhu iska soo xuleen kadib asaaskii Somaliland.

Lama oga sida xaaladda Somaliland noqoneyso oo ah gobol ka tirsan Sooomaaliya, nabad ahaa muddo dheer, laakiin ku dhawaaqey in ay Soomaaliya ka go’een , mana jirto mudadaas dheer hal dal oo aqoonsadey madax banaanidooda.

Keyse Adam
Horseed media