Muuse Geelle oo ka hadlay kala diridii uu RW Rooble ku sameeyey & fasaxidda kursiga Fahad Yaasiin

Published: May 30, 2022

Gudoomiyihii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf ayaa beeniyay wararka sheegaya inay doonayeen in ay fasaxaan kursiga uu muranka hareeyay ee #HOP086.

Muuse Geelle oo BBC la hadlay ayaa yiri “Kursigaasi beel baa leh, beeshii baana u tashaneysa, anagu wax shideyn ah oo xagayaga ka soo yeeray ma jiraan. Waa warar dayaacad oo been abuur ah, anagana hadda noomaba taalo, waxay u taallaa Guddoonka Baarlamaanka, meeshii ay ku jiheeyaan ayay howshiisa ku soo dhammaan doontaa.”

Muuse Geelle Yuusuf ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble uu ku kala diray Guddiyadii doorashooyinka dadban.

“Guddigu, guddi inuu weligiis iska dhisnaado ama jooggo sharciyan ma ahayn. Guddigu wuxuu ahaa guddi loogu talagalay inay doorashadaasi qabtaan, xilliga ay doorashadaasi dhammaato in sida haddeer loo kala diray ay u kala taggaan.” Ayuu yiri Muuse Geelle.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray “Ra’iisal Wasaaraha ayaa doorashadan madax ka ahaa oo dowladdu ku wareejisay inuu kor ka muraaqabeeyo, aad buuna uga shaqeeyay, si daacad ah buuna noogala shaqeeyay, dadku war-xumo tashiil, wax iska sheeg sheega way jiraan. Haddii doorashadaasi uusan Ra’iisal Wasaaruhu daacad ka ahayn oo guddigu iyo Ra’iisal Wasaaruhu aysan daacad uga wada shaqayn, halkan ma soo gaarteen.”

Kursigan ayaa waxaa 20-kii bishii February ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne. Guddiga Doorashooyinka ayaase waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashada ee kursigaasi, iyagoona sheegay in doorashada kursigaasi lagu celin doono.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii shaley aheyd kala diray Guddiyadii Doorashooyinka, ka dib markii ay soo idlaatay waajibaadkii loo igmaday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *